Soomaaliya (Dawan) – Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa magacawday Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka maamulka, sida lagu sheegay wareegto madaxweyne oo soo baxday 23-ka Maarso, xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha kala dhexeeya dowladda federaalka.
Wareegtada oo uu saxiixay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa lagu dhisay guddi ka kooban sagaal xubnood oo mas’uul ka noqon doona dejinta xuduudaha degmooyinka iyo maamulka doorashooyinka gudaha dowlad goboleedka.
Guddiga waxaa guddoomiye u ah Shuceyb Nuur Xuseen, halka Cabdulahi Xuseen Cusmaan uu yahay guddoomiye ku-xigeen. Xubnaha kale ayaa kala ah Feysal Maxamed Isaaq, Ibraahim Isaaq Xasan, Maaxi Cusmaan Cali, Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Maxamed, Fardows Maxamed Ismaaciil, Cusmaan Jeelaani Awoow iyo Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim.
Wareegtada ayaa sheegtay in dhismaha guddigan uu ku saleysan yahay Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Federaalka iyo dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
