Puntland 2-da Janaayo 2026 ( Dawan)-
Xarunta Amniga Badweynta Hindiya (MSCIO) ayaa xaqiijisay in kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen markab kalluumeysi oo marayay xeebaha Puntland ee waqooyi-bari Soomaaliya.
Weerarka ayaa lala beegsaday markab lagu magacaabo Liao Dong Yu 578, kaas oo ku sugnaa meel u dhow xeebta Kulule, degmada Bandar-bayla ee ka tirsan Karkaar, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay xarunta MSCIO.
MSCIO waxay sheegtay in dhacdadu ay dhacday 1-dii Janaayo 2026, iyadoo xustay in baaritaanno lagu hayo faahfaahinta weerarka iyo khasaaraha ka dhashay. Ilaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin in kooxaha hubeysan ay la wareegeen gacan ku haynta markabka ama shaqaalihii saarnaa.






