Mandera 18 December 2025 (Dawan)- Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Isku-duwidda Dowladda Kneya, Mudane Axmed Ibraahim, dabagal ku sameeyay mashaariicda horumarineed ee ay dowladdu ka fuliso magaalada Mandera iyo magaalooyin kale
Kormeerkan oo socday laba maalmood, islamarkaana ka dhacay Mandera, Lamu iyo Turkana, ayaa ujeedadiisu ahayd in la hubiyo horumarka laga gaaray mashaariicda la xiriira adeegyada bulshada iyo haddii ay jiraan caqabado hortaagan fulintooda.
Kormeerka waxaa lagu sameeyay Mandera Technical Training College, halkaas oo lagu diiwaangeliyey 1,600 arday, iyadoo laga dhisay 10 fasal, waxaana dabagalka lagu ogaaday inay jiraan dhibaatooyin badan sida tayo xumo dhanka rinjiga ah iyo , daaqado jabay oo u baahan in la hagaajiyo.
Sidoo kale, Mandera Technical Training Institute, waxaa ka jira baahiyo dhanka kaabayaal iyo adeegyada bulsho ah, mana laga sameeyo aqoon-isweydaarsiyo.





