Jabuuti (Dawan) – Kormeerayaal ka socda Midowga Afrika (AU), Urur-Goboleedka IGAD, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Jaamacadda Carabta ayaa bilaabay inay gaaraan Jabuuti, iyadoo ay maalmo kooban ka harsan yihiin doorashada madaxtinimada ee dalka ka dhici doonta 10-ka Abriil, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dowladda.
Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Gudaha ee Jabuuti ayaa xaqiijiyay in ilaa 67 kormeerayaal ah oo ay soo direen afar hay’adood oo caalami ah ay imanayaan dalka, si ay ula socdaan habsami u socodka doorashada. Ergada AU ayaa ah tan ugu weyn, iyadoo ka kooban 47 xubnood oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaarihii hore ee Rwanda, Bernard Makuza; halka xubnaha IGAD ay ka kooban yihiin 16 xubnood uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Itoobiya, Mulatu Teshome, isla markaana Jaamacadda Carabta iyo OIC ay kala hoggaaminayaan Ahmed Amin Sultan iyo Shakir Mahmoud Bander.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in hawsha kormeerayaashu ay tahay mid madax-bannaan oo dhexdhexaad ah, laguna qiimeynayo hufnaanta doorashada, iyagoo sidoo kale la kulmi doona musharraxiinta tartamaya iyo hay’adaha qaranka ee doorashada maamula.


