Muqdisho (Dawan)- Ku dhowaad 80 sarkaal oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa dhammaystay barnaamij tababar oo Mareykanku taageeray, kaas oo lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ee baarista dambiyada, ayay mas’uuliyiintu sheegeen Sabtidii.
Barnaamijka oo socday muddo hal sano ah ayaa isu keenay baarayaal ka kala socday Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo NISA, kuwaas oo lagu tababaray farsamooyinka casriga ah ee baarista dambiyada, baarista goobaha dembiyada, ururinta iyo ilaalinta caddeymaha iyo hababka lagu xaqiijiyo xogta loo adeegsado baaritaannada.
Justin Davis, ku-simaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, ayaa sheegay in barnaamijka loo sameeyay sidii labada hay’adood ee amniga loogu abuuri lahaa xirfado baaritaan oo mideysan, loona xoojin lahaa wada-shaqeyntooda.
“Laba sano ka hor, Mareykanka iyo Soomaaliya waxay bilaabeen arrin aan horay loo sameyn: in NISA iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed la isugu keeno hal goob oo tababar ah, iyagoo si wadajir ah u tababaranaya,” ayuu Davis ka sheegay munaasabad qalin-jabin ah oo ka dhacday Muqdisho.
Wuxuu sheegay in barnaamijku uu soo saaray ku dhowaad 80 sarkaal oo ka kala baxay toddobo kooxood oo tababar ah.
Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in tababarku gacan ka geysan doono xoojinta habraacyada xirfadeed ee baarista iyo hagaajinta iskaashiga hay’adaha amniga iyo garsoorka.