Shabeellaha Hoose (Dawan)- Kulan amni oo lagu xoojinayo ilaalinta rayidka ayaa ka dhacay magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ciidamada Soomaaliya, AUSSOM iyo maamulka deegaanka ay ka wada hadleen iskaashiga amniga. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ilaalinta bulshada iyo kaabeyaasha muhiimka ah, sugidda waddooyinka waaweyn iyo wanaajinta wadaagga xogaha si degdeg looga jawaabo khataraha amniga, sida ay sheegtay AUSSOM Talaadadii.
Waxaa kulanka ka qeybgalay Guddoomiyaha degmada Kurtunwaarey, Ibraahim Xaaji Xuseen; Taliyaha Guutada 143-aad ee ciidamada Uganda ee AUSSOM, Gaashaanle Dhexe Don Naijuka; Taliyaha Guutada 62-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Faarax, iyo wakiillo ka socday guutada Danab.
Guddoomiyaha degmada Kurtunwaarey ayaa ku baaqay in la xoojiyo wada-shaqeynta u dhexeysa maamulka deegaanka, odayaasha dhaqanka, dhallinyarada iyo ciidamada ammaanka si loo adkeeyo nabadgelyada iyo xasilloonida.
Sidoo kale, Taliyaha Guutada 143-aad ee ciidamada Uganda ee AUSSOM ayaa sheegay in iskaashiga AUSSOM iyo ciidamada Soomaaliya uu muhiim u yahay ilaalinta bulshada iyo xoojinta xasilloonida Shabeellaha Hoose.