Kuwait, 27 Diseembar 2025 ( Dawan)– Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuwait ayaa muujisay taageerada buuxda ee ay u hayso midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo si cad u diidday wararka ku saabsan aqoonsiga labada dhinac ee Israa’iil iyo Somaliland.
Bayaanka rasmi ah ee Wasaaradda oo la soo saaray maanta oo Sabti ah yaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay mid hal dhinac ah oo ka hor imaanaysa sharciga caalamiga ah, isla markaana qalqal gelinaysa ixtiraamka madax-bannaanida dowladaha iyo midnimada dhuleed.







