Muqdisho (Dawan)— Wafdi ka socda Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa booqday Dugsiga Milatariga Madaxweyne Guuled ee deegaanka Holl-Holl, koonfurta Jabuuti, halkaas oo ay ku qiimeeyeen xaaladda muhaajiriinta iyo goobaha lagu qaabilo laguna daryeelo. Wafdiga waxaa la socday wakiillo ka tirsan Ururrada Laanqayrta Cas ee Jabuuti iyo Kenya, waxaana halkaas ku qaabilay Kornayl Ibrahim Zakaria Cheikh, Agaasimaha Guud ee Xiriirka Caalamiga ah ee Ciidanka Jabuuti.
Kulamada ayaa diiradda lagu saaray hababka ay ciidamada u adeegsadaan la socodka xaaladda deegaanka, samatabbixinta dadka nugul iyo wax ka qabashada baahiyahooda degdegga ah.
Wafdiga ICRC ayaa markii dambe booqday goobaha ay ku sugan yihiin muhaajiriinta, gaar ahaan xero lagu qaabilo dadka soo gaaraya, si ay u qiimeeyaan xaaladaha goobta iyo baahiyaha dadka halkaas ku sugan.