Muqdisho (Dawan) — Hay’adda Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa bilowday qaybinta raashinka Ramadaanka ee sanadkan, iyadoo 5,000 oo maxaabiis ah oo ku kala sugan 11 xabsi oo dalka ah la gaarsiisay, si ay ugu afuraan bisha barakeysan ee Ramadaan.
Antoine Grand, madaxa ICRC ee Soomaaliya, ayaa sheegay in taageerada Ramadaanku ay noqotay dhaqan muhiim ah oo muujinaya sida hay’adda uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo daryeelka maxaabiista, isagoo xusay in loo baahan yahay in maxaabiistu helaan daryeel bini’aadantinimo iyo in la ilaaliyo sharaftooda, xitaa xabsiyada.
“Bixinta taageerada Ramadaanku waxay inoo noqotay caado la jecleysto. Waa tallaabo ka tarjumeysa sida ay nooga go’antahay hubinta in dhammaan dadka xorriyadda laga qaaday loola dhaqmo si bini’aadamnimo, sharaf iyo ixtiraam leh,” ayuu yiri Antoine Grand.







