Washington (Dawan) — Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay sawirrada laba haween oo Soomaali ah, kuwaas oo loo xiray musuqmaasuq la xiriira lacagaha daryeelka caafimaadka ee dowladda Mareykanka bixiso, kuwaas oo loogu talagalay qoysaska aan awoodin kharashaadka caafimaadka.
Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in haweenkan lagu eedeeyay qorshe lagu lunsaday lacag ka badan 21 milyan oo dollar, iyadoo maamulka Mareykanku uu sheegay inuu soo afjarayo waxa uu ku tilmaamay “khiyaano lagu dhacay canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka.”
Labada haween ee la xiray ayaa lagu kala magacaabaa Shamso Axmed Xasan iyo Hanaan Mursal Yuusuf, kuwaas oo lagu soo oogay eedeymo ay kamid yihiin shirqool la xiriira khiyaano caafimaad, sideed dacwadood oo musuqmaasuq caafimaad ah, iyo laba dacwadood oo la xiriira lacag dhaqid.
Sida lagu sheegay dacwadda, Shamso Axmed Xasan ayaa ahayd milkiilaha shirkadaha Smart Therapy Center LLC iyo Star Autism Center LLC, kuwaas oo bixiya adeegyo la xiriira carruurta qaba autism-ka iyo barnaamijyada horumarinta dabeecadda carruurta.


