Tripoli (Dawan) – Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Libya, Cabdifataax Sheekh Axmed Cabdilmannaan, ayaa Sabtidii si rasmi ah warqadihiisa aqoonsiga ugu gudbiyay Madaxa Golaha Madaxtooyada Libya, Maxamed Al-Menfi, munaasabad ka dhacday magaalada Tripoli.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay Golaha Madaxtooyada Libya, munaasabadda ayaa ka dhacday xarunta golaha, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Libya.
Madaxa Golaha Madaxtooyada Libya, Maxamed Al-Menfi, ayaa soo dhoweeyay safiirka cusub ee Soomaaliya, isaga oo u rajeeyay guul iyo horumar inta uu gudanayo waajibaadkiisa diblomaasiyadeed.
Al-Menfi ayaa xusay in Soomaaliya iyo Libya ay wadaagaan xiriir walaaltinimo iyo mid taariikhi ah oo soo jireen ah, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wadatashiga siyaasadeed, isdhaafsiga khibradaha iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah ee labada dal.