Baydhabo (Dawan) – Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay Baarlamaan ka kooban 95 xubnood, iyagoo soo saaray liiska xildhibaanada loo xulay inay noqdaan Baarlamaanka 3-aad ee dowlad goboleedka.
Qoraal rasmi ah oo ku taariikheysan 28-ka Maarso ayay guddigu ku sheegeen in liiska uu yimid kaddib wadatashi lala yeeshay odayaasha dhaqanka, isla markaana lagu saleeyey qodobbada dastuuriga ah ee hagaya dhismaha baarlamaanka.
Guddigu wuxuu sheegay in habka soo xulista loo maray uu waafaqsan yahay nidaamka sharciyeed ee qeexaya awood-qaybsiga iyo matalaadda ku cad qodobbada khuseeya dastuurka.
Liiska la shaaciyey ayaa ka kooban xubno ka kala socda beelaha kala duwan ee gobolka. Sidoo kale, waxaa ku jira xubno hore uga mid ahaa Baarlamaankii 2-aad, oo ay ku jiraan Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka iyo xubno kale.


