Muqdisho (Dawan)– Lubnaan, Boqortooyada Morocco iyo Midowga Jasiiradaha Comoros ayaa si cad oo wadajir ah u muujiyay diidmo buuxda oo ay ka qabaan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, iyaga oo mar kale carrabka ku adkeeyay taageeradooda midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Muhaajiriinta Lubnaan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Lubnaan ay si buuxda u garab taagan tahay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay gebi ahaanba diidan tahay wax kasta oo aqoonsi ah ama is-afgaradyo dhex mara Israa’iil iyo waxa ay ugu yeertay “gobolka Somaliland”.
Lubnaan waxay carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, iyadoo ka digtay abuurista hay’ado ama xaqiiqooyin isbarbar socda oo halis gelinaya midnimada dalalka, xuduudahooda caalamiga ah iyo madaxbannaanidooda.







