Muqdisho (Dawan)– La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka Soomaaliya, hadana ah Agaasimaha Machadka Saldhig, Xuseen Macalin ayaa sheegay in ilaa hadda aan la hayn wax caddeyn ah oo muujinaysa in kooxda Al-Shabaab ay heshay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado weerarrada militari.
"Ilaa iyo hadda lama hayo xog tilmaameysa in Al-shabaab ay heshay diyaaradaha aan duulaha lahayan oo loo adeegsado weerarada ama hubkii Xuutiyiinta inuu usoo gudbay dhanka Al-shabaab" ayuu yiri, agaasimaha Machadka Saldhig
Wareysi gaar ah oo uu siiyay Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media, ayuu Xuseen Macalin ku sheegay in marar hore ay jireen maraakiib aan ganacsi ahayn oo la tuhunsanaa in ay soo direen Xuutiyiinta, kuwaas oo siday shixnado hub ah, isla markaana lagu duqeeyay meel u dhow magaalada Baraawe.
Wuxuu xusay in weli aan si rasmi ah loo ogeyn nooca hubka ay shixnadahaasi siday, islamarkaana aysan caddayn in uu ahaa hub khatar gaar ah leh ama qalab militari oo casri ah.
" Horay waxaa u jiray maraakiib oo aan ganacsi ahayn ama shixnado oo ay soo direen (Xuutiyiinta) oo meel Baraawe u dhow lagu duqeeyay . Hubkaas nuuca uu ahaa ma kii khatarta ayuu ahaa ma hub kale oo gaar ah ayuu ahaa iyada lama hubo" ayuu yiri, Xuseen Macallin.
Dhanka kale, ayuu sheegay in Al-Shabaab muddo sanado ah ku howlaneyd raadinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado dagaalka. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu tilmaamay in kooxda ay hore u heshay noocyo ganacsi oo drones ah qiyaastii shan sano ka hor, balse aysan ku guuleysan in ay u adeegsato sida ay qorsheynaysay, inkastoo ay sameeyeen tijaabooyin badan.







