Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay inuu weli furan yahay albaabka wada hadalka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, kadib fashilkii uu ku dhamaaday wadahadalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, oo ka mid ahaa xubnihii dowladda ku metelayay wadaxaajoodyada lala yeeshay mucaaradka, ayaa sheegay in dowladdu ay aaminsan tahay in xal kasta oo siyaasadeed lagu gaari karo wada hadal iyo is afgarad.
Isagoo wareysi gaar ah siiyay barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media, ayuu sheegay in Soomaaliya aysan ka maarmin sii wadidda wadaxaajoodyada siyaasadeed.
“Dalkaan in hore loo wado wada xaajoodna lagu wado baa dawgiisu yahay,” ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac.
Wuxuu sidoo kale meesha ka saaray eedeymaha tilmaamaya in dowladda aysan dooneyn in wax natiijo ah kasoo baxaan kulmada ay la yeelato mucaaradka, isaga oo yiri " u malayn maayo in xukuumada yada wax kale hanagula xantee, in lagu xaman karo inaan wada hadal iyo wada xaajood.. aanan diyaar u ahayn"
Hadalladan ayaa imanaya iyadoo ay fashil kusoo dhammaadeen kulamadii ugu dambeeyay ee dowladda iyo mucaaradka, kuwaas oo looga hadlayay arrimo ay kamid yihiin hannaanka doorashooyinka, dastuurka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in tallaabada xigta ay tahay in la sii ambaqaado geeddi-socodka doorashooyinka, maadaama dalka uu galay marxalad siyaasadeed oo cusub.


