Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa sheegay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siineyso horumarinta waxbarashada asaasiga ah, halkii ay xoogga saari lahayd ballaarinta jaamacadaha, isagoo xusay inay jiraan caqabado dhaqaale iyo baahiyo bulsho oo isdiidan.
Wasiirka oo marti ku ahaa barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media, ayaa tilmaamay in carruurta da’da yar ay yihiin kuwa ugu mudan in la maalgeliyo, maadaama ay yihiin saldhigga mustaqbalka waxbarashada dalka.
“Carruurta hadduu waqtiga dhaafo waxbarashada dhan ayaa dayacmayso, cumriga oo dhan ayaa dayacmaya" ,” ayuu yiri wasiirku, isagoo hoosta ka xarriiqay in waxbarashada jaamacadeed dib loo dhigan karo, balse tan hoose ay tahay lama huraan in carruurtu ay helaan.
Wuxuu sidoo kale xusay in awoodda dowladda ay hadda u janjeerto dhanka waxbarashada aasaasiga ah, isagoo yiri: “Awoodda ay dowladda leedahay meesha ugu badan ay gelinayso waxbarashada asaasiga waaye"
Wasiirka ayaa tilmaamay in xitaa dalalka taageera Soomaaliya ay mudnaanta siiyaan maalgelinta waxbarashada carruurta, halka tirada u baahan waxbarashada hoose ay aad uga badan tahay kuwa u baahan tacliinta sare.


