Garoowe (Dawan)– Maamulka Degmada Garoowe ayaa si rasmi ah u joojiyay diiwaangelinta bajaajta cusub muddo hal sano ah, kaddib markii ay si weyn u korortay tirada bajaajta ka howlgasha caasimadda Puntland, taas oo keentay ciriiri waddooyin, is-barbar yaac gaadiid iyo caqabado dhinaca amniga iyo maamulka ah.
Kusimaha Duqa Caasimadda Garoowe ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada, Maxamed Cali Xamari, ayaa sheegay in go’aankan ujeeddadiisu tahay in la xakameeyo tirada bajaajta, lana sugo nidaam iyo kala dambeyn sahli kara maamulka iyo la socodka gaadiidkan. Wuxuu tilmaamay in tallaabadan ay qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo lagu hagaajinayo isu socodka gaadiidka magaalada.
Xamari ayaa xusay in horay loo fuliyay tallaabooyin ay ka mid yihiin rinjiyeynta, calaamadeynta iyo tirinta bajaajta, si loo kala saaro una fududaato la socodkooda, isagoo uga mahadceliyay hay’adaha amniga iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay hirgelinta arrintaas.
"Shaqo muhiim ah ayaa horey loo qabtay, taas oo ahayd in bajaajta la rinjiyeeyo lana calaamadeeyo, lana kala saaro tiro ahaan. Waxaan uga mahadcelineynaa cid kasta oo nagala shaqeysay, gaar ahaan ciidamada amniga,” ayuu yiri Xamari.







