Muqdisho (Dawan) — Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Arbacadan manata ah magacaabay guddi gurmad degdeg ah kadib roobab xooggan oo ka da’ay Muqdisho, kuwaas oo burburiyay guryo, isla markaana carqaladeeyay isku socodka magaalada.
Roobka ayaa billowday abbaaraha 4:30 habeenimo, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar.
Maamulka ayaa sheegay in guryo ku yaalla degmada Shangaani ay soo gaareen burbur hantiyeed, balse aan ilaa hadda la xaqiijin wax khasaare nafeed ah.
Shaqaalaha maamulka gobolka iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa bilaabay furista waddooyinka ay biyuhu xireen iyo caawinta dadka ay roobabku saameeyeen, sida uu sheegay maamulka.