Muqdisho (Dawan)- Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale”, ayaa sheegay in dhaleeceynta uu waayahan Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump u jeedinayay Soomaaliya ay ku timid horumarka iyo dhaqdhaqaaq uu dalka ku tallaabsaday.
Madaale, oo ka hadlay shir ay isugu yimaadeen qurba-joogta Soomaaliyeed oo ka dhacay Muqdisho laguna taageerayey Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa xusay in Soomaaliya maanta ay joogto heer aanay waligeed gaadhin tan iyo 1990-kii, taas oo sababtay in ay soo jiidato indhaha caalamka . Horumarradaas ayuu ku sheegay Madaale ka faa’iidaysiga khayraadka dalka, dadaallada lagu horumarinayo tignoolajiyada, iyo qorshayaasha la xiriira dhammaystirka dastuurka iyo hirgelinta doorasho ku salaysan qof iyo cod.
“Maanta waxa aan aragnaa Maraykanka oo nagu dhagan; horena naguma ay dhegganayn, mana naga hadli jirin. Taasi waa sababtoo ah waan dhaqaaqnay,” ayuu yiri Madaale.







