Soomaaliya, 12 Noofambar 2025 —Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale,” ayaa maanta warsaxaafaded uu qabtay ku sheegay inuu si rasmi ah u qaadacay ku dhawaaqistii Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee musharrixnimada Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ee xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Madaale, oo hadda ah Xoghayaha Horumarinta ee Ururka JSP, ayaa ku tilmaamay go’aanka lagu magacaabay Muungaab mid aan lagu heshiin, isla markaana ka hor imaanaya xeerarka iyo nidaamka gudaha ee ururka.
“Waxaa nasiib darro ah in ku-xigeenka xoghayaha guud uu meel olole ah kaga dhawaaqay musharrax aan la isla ogayn. Arrintaas waa mid aan loo dhamayn,” ayuu yiri Madaale.
Hadalka Madaale ayaa yimid kadib markii galabnimadii Talaadada Xoghayaha Ku-xigeenka Guud ee JSP, Xuseen Sheekh Maxamuud, uu ku dhawaaqay munaasabad ka dhacday Muqdisho in Muungaab uu yahay musharraxa rasmiga ah ee ururka u matalaya tartanka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee la filaayo 30 november ine dhacdo .








