Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay Madasha Aragti-samaynta Cimilada Qaranka (National Climate Outlook Forum – NCOF) ee xilliga Deyr 2026, taas oo lagu xoojinayo adeegyada cimilada, nidaamyada digniinta hore iyo qorsheyaasha u-diyaargarowga saameynta laga filayo El Niño, sida ay sheegtay Wasaaradda.
Madasha ayaa maanta ka furantay Hotel Jazeera Palace, waxaana ay socon doontaa ilaa 14-ka Sebteembar 2026, iyadoo halku-dhiggeedu yahay: “Adeegsiga Adeegyada Cimilada si loo Qaado Tallaabooyin Hore loona Xoojiyo Adkeysiga Soomaaliya xilli uu jiro El Niño Xooggan.”
Kulanka ayaa lagu qiimeynayaa saameynta xilliyadii cimilada ee hore, gaar ahaan xilli-roobaadkii Gu 2026, waxaana lagu soo bandhigayaa saadaasha cimilada ee xilliga Deyrka (Oktoobar–Diseembar 2026), si loo diyaariyo talooyin iyo qorsheyaal wax-ka-qabad oo ku wajahan meelaha nugul.
Ajandaha madasha ayaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa saameynta cimiladu ku yeelan karto dhinacyada beeraha iyo sugnaanta cuntada, xoolaha, biyaha iyo tamarta, gaadiidka, deegaanka, maareynta khataraha musiibooyinka iyo caafimaadka.