Baydhabo (Dawan) – Madaxa gargaarka bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay, Tom Fletcher, ayaa Arbacadii booqday kaamamka barakacayaasha ee magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ku arkay xaalado nololeed oo adag, xilli baahiyaha gargaarku ay sii kordhayaan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Fletcher, oo ah Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Isku-duwaha Gargaarka Degdegga ah, ayaa la kulmay mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ka hor inta uusan booqan xarunta barakacayaasha ee Al-Berto One, oo ku taalla agagaarka garoonka diyaaradaha Baydhabo.
Booqashadan ayaa ku soo beegantay xilli kumannaan qoys oo barakacayaal ah ay la daalaa dhacayaan cunno yari, biyo la’aan iyo adeegyo caafimaad oo xaddidan, iyadoo roobabka Gu’ga ee ka curtay qaar ka mid ah gobollada ay sii kordhin karaan halista fatahaadaha.
“Waxaan go’aansaday inaan qaado farriimaha iyo waxyaabaha aan arko, waana in booqashadan u beddelnaa ficil,” ayuu yiri Fletcher.


