Muqdisho (Dawan)— Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bilaabay wada-tashiyo qaran oo lagu xoojinayo difaaca midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dalka, kuwaas oo uu kula kulmay madax hore oo heer qaran ah iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed.
Bayaan kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in " Kulankan diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira ilaalinta qaranimada, midnimada dhuleed iyo ka jawaabista duulaanka qaawan ee Israa’iil ku soo qaaday qarannimada dalka, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay isku-tashi qaran iyo midnimo siyaasadeed".





