Jilib (Dawan) — Aadam Cabdullaahi Ibraahim (Dhagajuun), oo sidoo kale loo yaqaannay Muxsin iyo Cukaash, isla markaana ahaa madaxa maaliyadda Al-Shabaab, ayaa lagu dilay duqeyn xagga cirka ah oo habeenkii Axadda ka dhacday agagaarka magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, sida ay Dawan ogaatay.
Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Kawaanka ee Jilib, abaare 7:50 fiidnimo, kaddib markii la bartilmaameedsaday gaari nooca Toyota Probox ah oo midabkiisu caddaan yahay, kaas oo uu Dhagajuun uu saarnaa, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal u ah dhacdada.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ama saaxiibbadeeda caalamiga ah oo ku saabsan howlgalka. Sidoo kale, Al-Shabaab wax war ah kama soo saarin geerida la sheegay ee mas’uulkan sare.
Dhagajuun oo la rumeysan yahay inuu ku jiray da’da 50-meeyada, asal ahaanna ka soo jeeday gobolka Gedo, ayaa waxbarashadiisii hore kusoo qaatay dalka Kenya. Wuxuu xilal dhowr ah oo dhinaca maaliyadda ah ka soo qabtay Al-Shabaab, isagoo ka soo shaqeeyay gobollada Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose iyo Gedo, ka hor inta aan loo magacaabin inuu si rasmi ah u maamulo dhaqaalaha kooxda.
Waxaa loo arkayay inuu ahaa shaqsi si dhow xiriir ula leh hoggaamiyaha Al-Shabaab, Axmed Diiriye.
Dhagajuun ayaa maamulka maaliyadda kala wareegay Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble, oo sidoo kale loo yaqaanay Cabdullaahi Wadaad, kaas oo lagu dilay howlgal ka dhacay deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, 23-kii Janaayo 2026.