Dhuusamareeb (Dawan)– Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay ujeedka safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Galmudug, kaddib markii uu maanta oo Jimco ah gaaray magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo waxaa Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Sida ay Madaxtooyadu sheegtay, safarka Madaxweynaha wuxuu diiradda saarayaa xoojinta iyo tayeynta Ciidanka Qalabka Sida, iyadoo uu ka qaybgeli doono munaasabad lagu soo xirayo tababarka cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.