Jabuuti – 2-da Janaayo 2026 ( Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa soo saaray digreeto madaxweyne oo cafis ugu fidinaysa 194 maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee Gabode, taas oo ah tallaabo lagu maamuusayo soo dhawaynta Sanadka Cusub ee 2026.
Cafiskan, oo dhaqan galay 31-kii Diseembar 2025, ayaa u gogol xaaray n 92 maxbuus si rasmi ah xorriyaddooda u helaan Khamiistii, 1-da Janaayo 2026.
Maxaabiista la sii daayay waxaa ka mid ah 16 maxbuus oo ajnabi ah, kuwaas oo lagu wado in dib loogu celiyo dalalkooda , iyadoo la raacayo habraacyada sharciyeed ee dalka.





