Jabuuti, 17 Maarso 2026 (Dawan) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Isniintii ka helay dhambaal rasmi ah oo ka yimid Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, kaas oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Rwanda, Olivier Nduhungirehe, u gudbiyay.
Dhambaalkan ayaa ku saabsan codsi rasmi ah oo Rwanda uga dalbatay Jabuuti inay taageerto dib-u-doorashada Luwis Mushikiwabo oo mar kale u taagan xilka Xoghaynta Guud ee Ururka Francophonie International (OIF). Kulanka dhexmaray Madaxweyne Geelle iyo Wasiirka Rwanda ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Mushikiwabo sii waddo dadaallada casriyeynta iyo horumarinta ururka, iyo sidoo kale in dib-u-doorashadeedu xoojineyso kala-duwanaanshaha luqadaha iyo dhaqamada ee Bariga Afrika.
Intaa waxaa dheer, labada dhinac waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo bulshooyinka, iyagoo sidoo kale isla eegay arrimo kale oo dan u ah labada waddan, gobolka, qaaradda, iyo xiriirka caalamiga ah.








