Somaliland, 6 December 2025 (Dawan ) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa joojiyey munaasabadda Xeer-Ciise, isagoo sheegay go’aankaan ay tahay mid uu ku eegayo danta guud iyo dareenka bulshada ee ka jiro gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama.
“Waxaan madaxweyne ahaan joojiyey munaasabadda xuska xeer-ciise anigoo ka eegaya danta guud iyo dareenka umaddayda…” ayuu yiri madaxweynaha, waxa uu ciidamada ku armay in khasaare dhanbo oo dhaca ay ka hortagaan “Waxaa faraya Ciidamada kala duwan ee nabadgalyada in la adkeeyo amniga khasaare dambana aanu dhicin.”
Waa marki labaad 24 gudahood uu madaxweynaha Somaliland ka hadlayo xaaladda gobolka Awdal gaar ahaan caasmadiisa Boorama, Cirro ayaa sheegay in kharaaraha dhimashada iyo dhaawaca ka dhacay Boorama laga baaqsan karay, isaga oo balan qaaday in baaritaano sax ah la marsiin doono lagana xisaabtami doono, wixi dhacay, ciidadama ayuu ku armay in ay ku laabtaan xiryahooda.
“Waxaan dhamaan Ciidamada militariga ee maagaladda ku jira farayaa in ay dib ugu noqdaan xeryahooda” ayuu yiri Cirro xalay.








