Qudus (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa Israel ugu baaqay inay kordhiso maalgashiga Somaliland, isla markaana ay safaarad ka furato Hargeysa, isagoo sheegay in xiriirka labada dhinac uu galayo marxalad cusub oo istaraatiiji ah.
Cirro ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu magaalada Qudus kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar, halkaas oo labada dhinac ay kaga hadleen xoojinta xiriirka Somaliland iyo Israel.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Somaliland ay dooneyso in ay Israel kala shaqeyso dhinacyada diblomaasiyadda, amniga, ganacsiga, maalgashiga iyo horumarinta bulshada.
Wuxuu xusay in maalgashadayaasha Israel ay fursado ka heli karaan Somaliland, gaar ahaan dhinacyada maaliyadda, dhismaha, beeraha, tamarta, dalxiiska, saadka iyo warshadaha soo saarista kheyraadka.
“Dalkeennu waa meel dhaqaale oo soo baxeysa, lehna fursado badan oo aan weli laga faa’iideysan, deegaan xasilloon oo ammaan ah, dhaqaale suuq xor ah iyo dowlad ka go’an inay fududeyso kobaca uu hoggaaminayo ganacsiga gaarka loo leeyahay,” ayuu yiri Cirro.
Cirro ayaa sidoo kale Israel ugu baaqay inay safaarad ka furato Somaliland, isagoo sheegay in tallaabadaas ay xoojin karto isku-xirka, iskaashiga iyo xiriirka fog ee labada dhinac.