Somaliland, 14 October 2025— Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa maanta u safraya dalka Itoobiya, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Telefishinka Somaliland.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah: Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdiraxmaan Daahir Aadan “Bakaal”, Wasiirka Madaxtooyada Qadar Xuseen Cabdi Looge, Wasiirka Maaliyadda Cabdullaahi Xasan Aadan, Wasiirka Maalgashiga Siciid Maxamed Buraale Csaraale, iyo Wasiirka Hawlaha Guud Xuseen Axmed Caydiid.
Sida uu sheegay Telefishinka Somaliland, safarkan ayaa ah mid shaqo oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaale, maalgashi, iyo horumarka gobolka ee u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya.
Safar uu madaxeyne Somaliland ah uu ku tago Itoobiya waxa uu dhib xasuusteenna ugu celinayaa kii Muuse biixe ee bilowkii 2024 uu tago Adib ababa ee uu heshiiska badda ee muraka dhaliyay uu kula galay Abiy ahmed ra’iisul wasaaraha Itoobiya.
Safarka Madaxweynaha ee Itoobiya ayaa ku soo beegmaya maalin kadib markii uu dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safarkiisii ugu dheeraa ee uu dibadda ku maqnaado tan iyo markii uu xilka qabtay — safar shaqsi iyo mid shaqo oo uu ku tegay Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), halkaas oo uu kaga qayb galay madasha Africa Debate iyo kulammo uu la yeeshay ganacsatada iyo jaaliyadda reer Somaliland ee Imaaraadka.
Safarkan cusub ee Addis Ababa ayaa muujinaya sida Somaliland ay u sii waddo xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka gobolka, gaar ahaan Itoobiya oo ay ka dhaxeeyaan xiriir siyaasadeed iyo dhaqaale oo dhow.



