Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa qorsheynaya inuu booqasho rasmi ah ku tago Israa’iil bisha January ee soo socota, isaga oo saxiixi doona heshiisyada loo yaqaano Abraham Accords, sida ay qortay wakaaladda wararka Anadolu oo soo xiganeysa warbaahinta Israa'iil.
Cirro inta uu ku suganyahay Israa’iil waxa uu sidoo kale saxiixi doonaa dhowr heshiis, kuwaas oo la xiriira dhinacyada beeraha, macdanta, shidaalka, amniga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dalxiiska.
Warbaahinta Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in madaxweynaha Somaliland uu horey u booqday Israa’iil, balse booqashadaas ay ahayd mid qarsoodi ah.
Ilo kale ayaa sheegay in Israa’iil ay xaqiijisay in wada-hadallo ka socdaan arrinta booqashada, inkastoo aan weli si rasmi ah loo cayimin taariikh go’an, hase yeeshee la filayo in booqashada ay dhici karto toddobaadka labaad ee January.







