Washington (Dawan) — Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa xarunta Congress-ka Mareykanka kula kulmay Senator Ted Cruz, iyagoo ka wada hadlay dadaallada Somaliland ugu jirto aqoonsi ay ka hesho Washington iyo xoojinta xiriirka labada dhinac, sida ay sheegtay Madaxtooyada Somaliland Sabtidan maanta ah .
Madaxtooyada ayaa sheegtay in wadahadalladu ay diiradda saareen amniga, iskaashiga dhaqaale iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Xafiiska Cruz weli wax war ah kama soo saarin kulanka xilligaan ay Dawan baahineyso warkan.