Soomaaliya, 26 Oktoobar 2025 — Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’, ayaa sheegay in gooni-isu-taagga Somaliland uu weli yahay “mid aan dhamaystirnayn,” isaga oo tilmaamay arrimo maamul iyo farsamo oo wali taagan tan iyo markii ay ku dhawaaqeen gooni isu taggooda 1991-kii.
Isagoo ka hadlayay Carwada iyo Shir-weynaha 7-aad ee Teknoolajiyadda Somaliland oo shalay ka furmay Hargeysa, Madaxweyne Cirro wuxuu faahfaahiyay arrimaha aan weli la xallin, kuwaas oo ay ka mid yihiin: baasaboorka, saamiga Xajka, furaha isgaarsiinta, iyo maamulka hawada.
“In kasta oo aan Soomaaliya kala gurannay 18 May 1991, Laakiin haddana weli waxbaa iskaga sii keen jira. u baahan sidii loo dhameystiri lahaa kala gurashada — sida baasaboorkii hore, saamiga Xajka, furaha telefoonada, iyo maamulka hawada,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Wuxuu ammaanay Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Somaliland oo uu sheegay in uu dadaal ku bixinayo in Somaliland si buuxda ula wareegto maamulka hawadeeda, isaga oo muujiyay rajo ah in howshaasi dhawaan la dhammaystiri doono.
Hadalkan Madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa siyaasadda guud ee u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho. Bishii Sebteembar 9, 2025, Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Somaliland waxay mar kale xaqiijisay in ay sii wadi doonto nidaamka fiisaha lagu bixiyo marka la yimaado Somaliland, iyada oo diiday nidaamka cusub ee e-Visa ee ay soo rogtay Soomaaliya.
Madaxweyne Cirro ayaa carabka ku adkeeyay in Somaliland ay doonayso kala-saarid bixid oo aan ku salayneen colaad.
“Wax colaad ah nagama dhaxayso annaga iyo Soomaaliya. Dhib iyo naceyb midna ma lihin. Go’aanka aan qaadanay wuxuu ahaa mid xor ah oo madax-bannaan 18-kii May 1991. Sidaan hore ugu midoownay annagoo xor ah, sidoo kale waanu u kala baxnay annagoo xor ah, waxaana hadda dooneynaa in hab sharaf leh lagu dhammeeyo geeddi-socodkaas,” ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhaliilay nidaamka federaalka ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in dowlad-goboleedyada federaalka ahi ay yihiin kuwo kala qaybsan oo aan isku duubnayn, haddana dowladda Soomalaiya ku mashquulsan tahay samaynta kuwo cusub halkii la xallin lahaa khilaafaadka jira.
Wuxuu isweydiiyay sababta gobollo cusub loo dhisayo halkii la mideyn lahaa kuwa jira, taasoo daba socota go’aankii Soomaaliya ay ku aqoonsatay dowlad-goboleed cusub oo waqooyi-bari ku taalla, arrin ay Somaliland si adag uga hor timid.



