Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu berri oo ku beegan 30-ka Diseembar 2025 booqasho rasmi ah ku tago dalka Turkiga, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.
Sida ay sheegeen ilo-wareedyo rasmi ah, booqashadan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo iskaashiga siyaasadeed.
Agaasimaha Xiriirka Dadwaynaha ee Dowladda Turkiga, Burhanettin Duran, ayaa sheegay in wadahadallada dhex mari doona labada hoggaamiye ay diiradda saari doonaan dib-u-eegista guud ee xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya, iyo sidoo kale qaababka lagu sii horumarin karo iskaashiga labada dhinac. “Inta lagu jiro wadahadallada, xiriirka labada dal ee Turkiga iyo Soomaaliya ayaa la eegi doonaa dhammaan dhinacyadiisa, waxaana laga wada hadli doonaa tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo iskaashiga,” ayuu Duran ku sheegay qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada.





