New York (Dawan) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada New York ee Mareykanka, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, sida ay baahisay Villa Somalia.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh lagu wado inuu 24-ka Sebtembar khudbad ka jeediyo Golaha Guud, isagoo ka hadli doona xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha gobolka.
“Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay maalinta ay bishu tahay 24-ka, taas oo uu ku taaban doono guud ahaan xaaladda dalka Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika,” ayuu yiri Cali Balcad.