Soomaaliya, 29 September 2025 – Soomaaliya ayaa bilaabi doonta qodista shidaalka bilaha soo socda, taas oo qayb ka ah dadaal ballaaran oo lagu xoojinayo madax-bannaanida dhaqaale ee dalka, sida uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xilli uu furayay kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka.
Madaxweynaha ayaa sahaminta shidaalka ku tilmaamay “cutub cusub” oo ka mid ah taariikhda dhaqaalaha dalka, isaga oo xusay in sahanno caalami ah ay xaqiijiyeen in Soomaaliya ay leedahay keydad shidaal oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn dunida.
“Bilaha soo socda, Ilaahay idamkii waxaa billaabanaya qodista shidaalka,” ayuu yiri
Madaxweynaha, ayaa carrabka ku adkeeyay in ka faa’iidaysiga shidaalka lagu dari doono horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, sida wadooyinka, dekedaha, garoomada diyaaradaha, iyo xitaa dhismaha xarun laga gamo dayaxgacmeed oo horay loo qorsheeyay.
Ku dhawaaqista qodista shidaalka ayaa timid wax ka yar hal sano kadib markii Soomaaliya si rasmi ah looga cafiyay deymaha, arrin uu Madaxweynaha ku tilmaamay in ay albaab u furtay dowladda si ay heshiisyo caalami ah ula gasho dalalka aduunka. Waxa uu sidoo kale xusay in dhaqliga canshuuraha gudaha dalka uu hadda bixiyo mushaaraadka in ka badan 100,000 oo shaqaale dowladeed ah.
Dowladda ayaa ugu baaqday bulshada iyo ganacsiyada in ay u hoggaansamaan waajibaadka cashuuraha, kuwaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sheegay laf-dhabarka dhismaha dawladnimada. Dakhliga shidaalka, marka la helo, ayaa la filayaa inuu kordhiyo dhaqaalaha dalka, isla markaana yareeyo ku tiirsanaanta gargaarka shisheeye.
Inkastoo mas’uuliyiinta ay sahaminta shidaalka u arkaan waddo barwaaqoah, haddana waxaa jirta walaac la xiriira maamul wanaagga, ilaalinta deegaanka, iyo qeybsiga kheyraadka ee dowlad-goboleedyada. Falanqeeyayaasha waxay ka digeen, haddii aan daahfurnaan iyo isla xisaabtan xooggan la sameynin in soo saarista shidaalka ay keeni karto khilaaf siyaasadeed halkii ay horseedi lahaeyeen xasillooni.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa qodista shidaalka ku tilmaamay qayb ka mid ah himilada fog ee Soomaaliya ay isku beddelayso dal ka mid ah kuwa hogaamiya dhaqaalaha gobolka.