Jabuuti, 29 Oktoobar 2025 — Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu galabta gaaro dalka Jabuuti, si uu uga qeyb galo xuska 25-guurada Shirkii Nabadda ee Carta, kaas oo door ka qaatay dib u heshiisiintii iyo dhismaha dowladnimo ee Soomaaliya dagaalkii sokeeye kadib.
Xuskan oo si rasmi ah uga furmi doona Carta maalinta Khamiista, waxaa daah-furi doona Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ka qeyb galaya madax Soomaaliyeed oo isugu jira kuwa xil haya iyo madaxweynayaal hore, kuwaas oo lagu casuumay xuska taariikhiga ah ee lagu maamuusayo shirkii 2000.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo maalintii Talaadada gaaray Jabuuti, ayaa ka mid ah madaxda la xaqiijiyay inay ka qeyb galayaan xafladda.
Shirkii Carta ee 2000-kii, oo ay Jabuuti martigelisay xilligaa uu hoggaaminayay Madaxweyne Geelle, ayaa horseeday dowladdii Kumeelgaarka ahayd ee Qaranka (TNG) — taas oo ahayd dowladdii ugu horreysay ee Soomaaliya yeelato tan iyo burburkii 1991.
In kasta oo dowladdii TNG ay markii dambe burburtay, haddana geeddi-socodkii nabadda ee lagu bilaabay Carta ayaa sababay shirarkii xigay ee Kenya (2002–2004), kuwaas oo dhalay Dowladdii Federaalka Kumeelgaarka ah (TFG), taas oo ugu dambeyntii horseeday in Soomaaliya ay u gudubto nidaam dowladeed federaal ah oo rasmi ah.





