Ethiopia, 12 Oktoobar 2025 — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed magaalada Addis Ababa si looga wada hadlo xoojinta xiriirka labada dal.
Sida lagu sheegay Madaxtooyada Soomaaliya, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ku saleysan ixtiraamka labada dhinac, madax-bannaanida, iyo danaha guud ee gobolka. Labada hoggaamiye ayaa adkeeyay muhiimadda daris-wanaagga iyo dhiirrigelinta iskaashiga horumarineed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay ka go’naanshaha Soomaaliya ee xasilloonida gobolka iyo iskaashiga la dagaallanka argagixisada, isagoo sheegay in nabadda iyo amniga Geeska Afrika ay ku xiran yihiin dadaallada wadajirka ah.
Booqashadaan ayaa imanayasaa iyadoo madaxweyna xana uu addis tagay bishii Sebtembar ee lashoo dhaafay xilli uu ka qeyb galay Shirka Cimilada Afrika iyo furitaanka biya xireenka Abay.



