Muqdisho (Dawan)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Arbacadan maanta ah waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay toddobo safiir oo cusub, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.
Safiirrada ayaa ka kala socday Algeria, Brazil, Hindiya, Mali, Myanmar, Nigeria iyo Pakistan, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safiirrada kala hadlay qorshayaashooda iyo mudnaanta ay u leeyihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalka ay matalaan, ayaa lagu yiri bayaanka.