Jigjiga, Itoobiya – 31 Janaayo 2026 (Dawan)– Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jabuuti, Ismaïl Cumar Geelle, ayaa maanta oo Sabti ah gaaray magaalada Jigjiga, halkaas oo garoonka diyaaradaha Garaad Wiil-Waal uu kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, oo wheliyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafa Maxamed Cumar.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa lagu yiri ; “Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed, oo ay wehliyaan Madaxweynaha Dowlad Deeganka Soomaalida Mustafa Maxamed Cumar, ayaa garoonka diyaaradaha Garaad Wiil-Waal ee Jigjiga ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaïl Cumar Geelle.”







