Addis Ababa (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qeybgalo Shirweynaha 39aad ee Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika, kaas oo ay isugu imanayaan madaxda dalalka Afrika, wasiirro, iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan hay’adaha ururka.
Safarka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya iyada oo ay magaalada Muqdisho ku suganyihiin siyaasiyiinta ugu muhiimsan mucaaradka iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland iy Jubaland kuwaas oo la qorsheynayay inay wadahadal la galaan dowladda si xal loogu helo arrimaha la isku hayo ee doorashooyinka iyo siyaasadda dalka
Madaxweynaha ayaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Bole International Airport waxaa ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Itoobiya, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dakhliga, Ainalem Niguse, iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda, Berhanu Tsegaye.







