Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in waxa uu ku tilmaamay "buuqa siyaasadeed" ee dalka ka taagan uusan ka dhignayn burbur dowladeed, isagoo ku baaqay in la yareeyo cabsida iyo walaaca la xiriira xaaladda dalka.
Isagoo habeenimadii Isniinta la hadlayay odayaasha dhaqanka ee ka kala yimid gobollada dalka, kuwaas oo Muqdisho u yimid caleema-saarka Ugaaska Murasade ee toddobaadkan, madaxweynuhu wuxuu xusay in loo baahan yahay in la dejiyo cabsida ku xeeran xaaladda siyaasadeed.
“Dal dumaya iyo dad kala tegaya midna ma jiro,” ayuu yiri.


