Antalya (Dawan) – Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Jaamacadda Ankara ee dalka Turkiga ayaa heshiis is-afgarad (MoU) ku kala saxiixday magaalada Antalya, intii uu socday shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP31). Sidaas waxaa sheegtay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Heshiiska waxaa kala saxiixday Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Maxamed Maxamuud Maxamed, iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Ankara, Necdet Ünüvar.
Sida ay jaamacaddu sheegtay maanta oo Talaado ah, heshiiska ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga waxbarasho ee labada jaamacadood. Waxa uu si gaar ah diiradda u saarayaa cilmi-baarista, is-weydaarsiga ardayda iyo barayaasha, iyo wadaagga aqoonta iyo khibradaha.