Muqdisho(Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay go’aanka Midowga Yurub ee lagu adkeeyay shuruudaha bixinta fiisooyinka la siiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay dib u qaabisho muwaadiniinteeda aan sharciyadda ku haysan dalalka Yurub.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba diidin dib u soo celinta muwaadiniinteeda, hase yeeshee ay jiraan caqabado la xiriira xaqiijinta aqoonsiga dadka la sheegayo in dib loogu soo celinayo dalka.
“Dadka Soomaaliyeed ee muhaajiriinta ah ee Yurub tagay ee sharci helay, dalalkii siiyay waan uga mahadcelineynaa. Kuwii sharci waayay, waxaan rabnaa inay dalka kusoo noqdaan, anagaa rabno,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Hase yeeshee, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay jirto arrin muran dhalisay, taas oo ah in dad badan oo aan Soomaali ahayn ay isku sheegaan Soomaali si ay uga faa’iideystaan nidaamka magangelyo-doonka ee dalalka Yurub.
Waxa uu xusay inuu marqaati u ahaa xaalado dad loogga soo celiyay dalal Yurub ah, kuwaas oo markii Soomaaliya la keenay la ogaaday inaysan ahayn muwaadiniin Soomaaliyeed, taasoo dhalisay su’aalo ku saabsan habka lagu xaqiijinayo dhalashada dadka dib loo soo celinayo.