Qaahira (Dawan) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta u safraya dalka Masar, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Madasha Afrika ee Alamein, oo la qabanayo magaalada 2–4 Oktoobar 2026.
Madashan oo markii ugu horreysay la qabanayo ayaa la filayaa inay isugu keento in ka badan 20 madax Afrikaan ah iyo masuuliyiin sare oo ka socda hay’adaha maaliyadeed ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Masar, Afreximbank iyo AUDA-NEPAD ayaa si wadajir ah u qabanqaabinaya madasha, oo loo qorsheeyay inay noqoto kulan joogto ah oo labadii sano mar la qabto, laguna xoojiyo maalgashiga iyo iskaashiga dhaqaale ee qaaradda.