Dhuusamareeb (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mashruuc horumarineed oo laga hirgeliyay magaalada Dhuusamareeb ugu magac daray Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, isagoo sheegay in mashruucu qeyb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay munaasabad ka dhacday Dhuusamareeb ayaa sheegay in goobta cusub ay noqon doonto meel magaalada lagu tilmaamo, maadaama ay tahay goob casri ah oo wax ka beddelaysa muuqaalka magaalada.
Madaxweynaha ayaa soo jeediyay in mashruuca loogu magac daro magaca Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, isagoo sheegay inuu yahay hoggaamiyaha ku soo beegmay xilligii horumarradan laga hirgeliyay Galmudug.