New York (Dawan)— Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ka sheegay in inta badan kaalmada QM ee Soomaaliya ay hareermarto nidaamka dowladda, wuxuuna ku baaqay in wax laga beddelo habka loo fuliyo.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in kaalmada badankeeda lagu bixiyo qaabab ka barbar shaqeeya hay’adaha dowladda, mashaariic kala googo’an iyo kharashaad aan ka muuqan miisaaniyadda qaranka. Sida uu sheegay, arrintaasi waxay dowladda ku adkaynaysaa qorshaynta, isku dubbaridka dhaqaalaha iyo qiimaynta natiijooyinka.