Muqdisho (Dawan)— Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dhererka xeebaha Soomaaliya uu ka badan yahay tirada muddada dheer lagu xusi jiray xogaha iyo manhajyada waxbarashada dalka, isagoo sheegay in xeebta Soomaaliya ay ka dheer tahay 3,800 kiiloomitir.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay furitaanka Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in muddo dheer la aaminsanaa in dhererka xeebta Soomaaliya uu yahay 3,333 kiiloomitir, balse xog cusub ay muujinayso in dhererka dhabta ahi ka badan yahay tiradaas.
“Haddii la dhihi jiray xeebaha Soomaaliya waa 3,333 km, sida markii ugu dambeysay loo baahiyay oo loo islaamiyay, baddeennu waa 3,800 iyo jajab,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.