Washington (Dawan)- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u yeeray safiirradda 15 dal oo Afrikaan ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid aan caadi ahayn, islamarkaana qeyb ka ah qorshe ballaaran oo dib loogu habeynayo matalaadda diblomaasiyadeed ee Mareykanka ee caalamka.
Xog diblomaasiyadeed ayaa muujinaysa in liiska dalalka uu go'aan saameeyay ay ku kala fidsan yihiin qeybaha kala duwan ee qaaradda Afrika. Safiirrada loo yeeray waxaa ka mid kuwa fadhiya Masar iyo Aljeeriya oo Waqooyiga Afrika ka tirsan. Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo faahfaahinaya sababaha keenay go'aanka ama waqtiga xilalka ay banneeyeen la buuxinayo.
Geeska Afrika, go’aankan ayaa si gaar ah u saameeyay safiirrada Mareykanka ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti. Seddexdan dal ayaa ku yaal gobol muhiimad istiraatiiji ah u leh Washington sababo la xiriira marin-biyoodyada ganacsiga caalamiga ah, joogitaanka ciidammo Mareykan ah, iyo dadaallada la-dagaallanka argagixisada.






