Muqdisho (Dawan)- Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay joojisay dhammaan barnaamijyadii kaalmada bani’aadannimo ee ay Soomaaliya siin jirtay, gaar ahaan kuwa soo mari jirtay Barnaamijka Cuntada Adduunka ee (WFP), kaddib eedeymo culus oo la xiriira leexsashada gargaar loogu talagalay dadka nugul.
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah ula wareegeen gargaar bani’aadannimo, oo ay ku jirto 76 tan oo cunto ah oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha iyo xaaladaha adag ee nololeed.
Qoraalka ayaa intaa ku daray in hakinta kaalmada ay khuseyso dhammaan barnaamijyada hadda socda ee ka faa’iideysanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la xusay in dib u bilaabista gargaarka ay ku xirnaan doonto in dowladda ay qaaddo mas’uuliyadda eedeymaha loo jeediyay, isla markaana ay hirgeliso tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo isla xisaabtan iyo daahfurnaan.
“Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay hakisay dhammaan barnaamijyada caawinta ee hadda socda ee ay ka faa’iideysto Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiska gargaarka dibadda ee Mareykanka.






